Akhriso Liiska Tahriibayaal Maydkooda Laga Helay Badda Liibiya + Somalida Dadkoodu Ka Maqan Yihiin Halkan Ha Ka Eegeen Maydadka La Helay

0
1586

Akhriso Liiska Tahriibayaal Maydkooda Laga Helay Badda Liibiya + Somalida Dadkoodu Ka Maqan Yihiin Halkan Ha Ka Eegeen Maydadka La Helay

Waxaa xeebaha dalka Liibiya laga helay meydad gaaraya 25 qaf oo muhaajiriin ahaa kuwaasi oo isku dayayay in ay ka gudbaan badda u dhaxeysa Liibiya Iyo Talyaaniga, halka warbaahinta dalkaasi talyaaniga ay sheegayaan in isbuucaan oo kaliya ay badaasi kasoo tilaabeyn dad kor u dhaafay 8,000 oo muhaajiriin ah.

Qof goob jooge ahaa ayaa warbaahinta u sheegay in dadkaani ay doonta la dagtay maalintii talaadada ee shalayso aheyd xilli danbe, waxaana maydadka dadkaan dhamaantood laga helay xeeebta ku teedsan caasimadda dalkaasi Liibiya ee Traabulis.

Dhanka kale waxaa hadda socota sidii loo aasi lahaa maydad gaaraya 147 qof, oo 19 kamid ah dumar yihiin, halka caruurtana lagu sheegay tiradooda 4, waxaana maydadkaan baddankood laga helay magaalada xeebeedta Sabraata ee dhacda galbeedka Liibiya.

Afhayeen u hadlay dowladda Liibiya oo lagu magacaabo Ayuub Qaasim ayaa sheegay in dadka ku harqamay badda ay kasoo jeedaan dhalasho ayaan dalalka Suudaan,Kaamiruun,Sinigal, iyo Maali.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here