“Aniga Dhaawac Ayaa I Soo Gaadhay Laakiin Markiiba Waanu…” Yurub Geenyo Oo Xaaladeeda Ka Hadashay Ka Dib Markii Ay Ka Mid Noqotay Dadkii Xalay La Qarxiyey

0
1893

“Aniga Dhaawac Ayaa I Soo Gaadhay Laakiin Markiiba Waanu…” Yurub Geenyo Oo Xaaladeeda Ka Hadashay Ka Dib Markii Ay Ka Mid Noqotay Dadkii Xalay La Qarxiyey

Fanaanada caanka ah ee Yurub Geenyo ayaa qoraal ay ku baahisay barta ay Facebook ku leedahay waxa ay ku sheegtay in iminka xaaladeeda caafimaad aad u fiican tahay ka dib dhaawac yar oo xalay ka soo gaadhay qaraxii ka dhacay PIZZA ee magaalada Muqdisho iyada oo xiliga qaraxu dhacayey goobta ku sugnayd.

Qoraal kooban oo ay taageerayaasheeda gaadhsiisay waxa ay ku tidhi. “Aniga dhaawac sahlan ayaa I soo gaadhay alx hada aad baan u fiicanahay naxdintii meesha waan yaacnay isaga oo dhaawacu igu yaalo balse wax dhimasho ah ma jirto dhamaantayo waanu caafimaad qabnaa

Intii ila soo xidhiidhay waad mahad san tihiin Asxaabta” Ayey tidhi Yurub Geenyo oo ka hadlaysay xaaladeeda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here