Anthony Oo Ka Hadlay Amarkii Uu Macalin Mourinho Ku Amray In Uu Kooxda Deg Deg Uga Baxo

0
571

Anthony Oo Ka Hadlay Amarkii Uu Macalin Mourinho Ku Amray In Uu Kooxda Deg Deg Uga Baxo

Gool dhaliyaha xulka qaranka France iyo kooxda Manchester United ee Anthony Martial ayaa beeniyay warar ay saxaafada Inigiriisku qoray oo ay ku sheegeen in uu wada hadalo la yeeshay macalinka kooxdiisa ee Jose Mourinho isla markaana uu u sheegay in uu doonayo sidii uu Old Traffrod uga bixi lahaa.

Laakiin Anthony Martial ayaa qoraal kooban oo uu soo dhigay bartiisa twitterka waxa uu ku beeiyay wararkii xanta suuqa kala iibisga ahaa ee sheegayay in uu doonayo ka bixitaanka Manchester United isaga oo cadeeyay in ay yihiin warar qalad ah.

Anthony Martial ayaan waqti fiican ku soo qaadan Manchester United xili ciyaareedkii ugu horeeyay ee ay Mourinho wada shaqeeyeen inkasta oo uu wacdaro soo bandhigay xili ciyaareedkiisii ugu horeeyay ee uu Louis Van Gaal kula soo shaqeeyay Old Traffrod.

Waxaa jiray warar sheegayay in Arsenal ay doonayso sidii ay dalab 40 milyan oo gini ah ugula soo wareegi lahayd Anthony Martial iyada oo waliba la sheegay in xidiga ree France uu diyaar u yahay in uu iskaga baxo kooxdiisa Manchester United.
Anthony Martial ayaa qoraalka kooban ee uu soo dhigay bartiisa twitterka ku soo qoray luuqada dalkiisa France taas oo la micno ah: ” Wararka xanta ahi waa been”. Wuxuuna qoraalkan meesha kaga saaray wararkii laysla dhex marayay maalmihii ugu danbeeyay ee muujinayay in Martial uu ka baxayo Old Traffrod.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here