Arsene Wenger Oo Rooga Cas U Dhigay Kylian Mbappe Balse Qirtay Inuu Tartan Adag Kala Kulmayo Saxiixiisa

0
336

Tababaraha Gunners Arsene Wenger ayaa sheegay in Arsenal ay roogo cas dhigtay si ay isagu dayaan saxiixa weeraryahanka da’da yar ee Faransiiska Kylian Mbappe, laakiin waxa uu qirtay xiddiga Monaco inuu xulan karo koox kasta oo dunida ka dhisan.

Wenger ayaa dadaal ku bixiyay saxiixa da’ yarkaan sida weyn loo doondoonayo laakiin waxa uu ka warqabaa in fursada ay Arsenal u heysato inay xagaagan la soo wareegto xiddigaan inay aad u yar tahay.

Real Madrid ayaa haatan ugu cadcad inay la saxiixato 18 jirkaan waxaana ay kaga horeeyaan PSG, Arsenal, Liverpool iyo labada kooxood ee Manchester.

Tababaraha Gunners Wenger oo ku dhawaa inuu lacag aad u yar kula wareegi ciyaaryahanka sannadkii hore ka hor inta uusan heshiis rasmi ah u saxiixin Monaco ayaa weli jecel Mbappe.

Wenger ayaa yiri: “Waa ciyaaryahan marka uu soo tooso subixii dooran kara meesha uu doonayo inuu aado.

“Ma jiraan 18 jiro nasiib ceynkaas oo kale heysta.

“Yurub oo dhan ayaa rooga cas looga fidiyay isaga. Ma aaminsani inay jirto koox dhihi karto ma xiiseyneyo ciyaaryahan heerkiisa oo kale ah sababtoo ah waxa uu leeyahay tayo dhif iyo naadir ah oo lagu arko 18 jir.

“Dhamaan kooxaha oo dhan ayaa xiiseynaya isaga.”

Wenger ayaa durbaba jabiyay rikoorka suuqa kala iibsiga Arsenal isagoo lacag rikoor ah ku soo xerogeliyay Alexandre Lacazette.

Waxa ay sidoo kale ugaarsi ugu jiraan xiddiga garabka ka dheela ee Monaco Thomas Lemar, laakiin kooxda Faransiiska ayaa soo diiday labo dalab oo 30 iyo 40 milyan ginni ah laakiin Arsenal ayaa la laaban karta dalab seddexaad.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here