Buubaa Oo Si Argagixiso Ah Madaxtooyada Ku Galay Iyo Askartii Heeganka Ku Jirtay Oo La Xidhay + Hub Lagu Qabtay Iyo Cida Uu Doonayey In Uu Dilo

0
699

Buubaa Oo Si Argagixiso Ah Madaxtooyada Ku Galay Iyo Askartii Heeganka Ku Jirtay Oo La Xidhay + Hub Lagu Qabtay Iyo Cida Uu Doonayey In Uu Dilo

 

Pro. Ismaaciil Hure Buubaa oo ay la socdaan xildhibaano la beel ah waxa ay tageen maanta xarunta Madaxtooyada iyaga oo aan wax balan ah ka haysan goobta ay u socdaan waxaana la sheegay in xildhibaan la socday uu Hub sitay

Askari ka tirsan ciidanka ilaalada madaxtooyada ayaa la sheegay in uu fududeeyey sidii uu Buubaa Madaxtooyada ku gali lahaa waxaana la sheegay in saraakiisha ciidanku ku war heleen ninkan hubka sita ee gudaha u soo galay Madaxtooyada waxaana markiiba la xidhay sida la sheegay askarigii hawshan ka danbeeyey

Pro. Buubaa lama garan karo sababta uu hubka u sitay balse waxa la sheegay in uu dacwad ka dhan ah wasiiro xukumada ku jira uu u gudbinayey Madaxweyne Siilaanyo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here