“Ceeb Uma Arkayn Inaan 50 Shaqaale Sacad Muuse Ah Mar Wada Qoray Wasaaradda Maaliyadda” Sheekh Samaale Oo Dhalinyaro Beeshiisa Ah La Kulmay

0
1560

“Ceeb Uma Arkayn Inaan 50 Shaqaale Sacad Muuse Ah Mar Wada Qoray Wasaaradda Maaliyadda” Sheekh Samaale Oo Dhalinyaro Beeshiisa Ah La Kulmay

Wasiirkii hore ee Maaliyadda Sheekh Cabdicasiis Samaale kulan uu la qaadanayey dhalinyaro beeshiisa ah oo ay wada fadhiyeen barxada banaanka Hotelka Maansoor afaafka hore ee la galo ama ka soo horjeedka hoolka ugu horeeya ee Hoodaalayaasha qaybta yar yar ayaa waxa uu u bandhigayey sidii uu beesha iyo dhalinyarada ula shaqayn jiray markii uu wasiirka Maaliyadda ahaa maantana loo baahan yahay la shaqayntooda

Waxa uu Sheekh Samaale soo qaatay sheekadii uu sameeyey markii uu wasiirka ahaa ee ahayd in uu hal mar wada shaqaalaysiiyey 50 dhalinyaro shaqaale ah oo beesha Sacad Muuse ka soo jeeda waxana uu sheegay in arintaasi aanu khalad u arkayn balse dad badan iyo meel badan lagaga dhaleeceeyey oo uu ceeb iyo fadeexad ka qaaday

Goobta uu sidaasi ka lahaa sheikh Samaale waxa taagnaa oo maqlayey halwadeen ka tirsan Shabakada Somalida ee Kulannews

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here