“Cirro Waxa Looga Baahan In Uu Deg Deg Uga Hadlo Wixii Ay Turkiga Ka Wada Hadleen Iyo Sababta Uu…” Amb. Baashe Cawil Oo Ciro Dhaliilay

0
629

Safiirka Somaliland u fadhiya Imaaraadka carabta Amb Baashe Cawil ayaa waxa uu markii u horaysay ka hadlay isaga oo afka xukuumada ku hadlaya socdaalka shakiga badan ka dhashay ee uu Cabdiraxmaan Cirro ku joogo wadanka Turkiga isaga oo taageero siinaya xulufada Qatar.

Safiirku waxa uu sheegay in Cirro iyo xisbiga Waddani looga baahan yahay in ay arintan ka hadlaan isla markaana shacabka u cadeeyaan socdaalka Turkiga iyo waxa ay ka wada hadlaan waxaana uu yidhi.
“ Runtii gudomiyaha xisbiga Waddani ahna gudoomiyaha baarlamaanka somaliland Cabdiraxman Cirro anaguba warkaa waanu maqalnay (wararka sheegaya safar wefti ciro oo hogaaminayo oo turkiga ku sugani in ay taageerada dal;ka Qatar halka u tageen) hase yeeshee warar inta ka faah faahsan maanaan maqal waxaase kolay dadku is waydiinayaan ama ay shacabka reer Somaliland is waydiinayaan waxa wakhtigan xaadirka ah iyada oo aynu arkayno arimaha taagan iyada oo aynu arkayo Jamhuuriyada Somaliland shacb hadii ay noqoto iyo xukuumad hadii ay noqoto in iyaga oo midaysan ay go’aan qaateen go’aankaasi oo ahaa inay maslaxadeeda ku jrto in aanu sucuudiga iyo wadamada sida Imaaraadka taageerno waxa iminka socdaal deg dega ah ee Cirro wakhtigan dhaliyey in uu Turkiga ku tago waxaanu ayaa lays waydiinayaa waxaanu rajaynayaa in marka Gudoomiye Cirro u soo noqdo ama fursad loo helo in la waydiiyo su’aasha sababta uu Turkiga tagey iyo waxa gaarka ah ee uu kala soo hadlay Turkiga waxay tahay waxaanu jecelnahay in xisbiga Waddani iyo gudoomiyaha xisbiga waddaniba ay ka hadlaan” ayuu yidhi Safiirka Somaliland u fadhiya Imaraadka carabta oo markii u horaysay ka hadlay safarka Gudoomiye Cirro ku joogo imaaraadka carabta

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here