Colaadii Hargaysa Oo Meel Halis Ah Maraysa + Nin Ganacsade Ah Oo Suuqa Badhtankiisa Mindi Nafta Lagaga Jaray Iyo Ciidanka Booliska Oo Hadlay + Hub La Ururiyey

0
1593

 

Colaadii Hargaysa Oo Meel Halis Ah Maraysa + Nin Ganacsade Ah Oo Suuqa Badhtankiisa Mindi Nafta Lagaga Jaray Iyo Ciidanka Booliska Oo Hadlay + Hub La Ururiyey

Nin Meherad Ku Haystay Bacadlaha Hargeysa Oo Xalay Muddi Lagu Khaarajiyey Iyo Ciidanka Amaanka Oo Ka hadlay

Alla ha u naxariistee Marxuum Farxaan Maxamed Aadan oo ku magac dheeraa (Casaanyo) kana mid ahaa ganacsatada suuqa waaheen ee magaaladda Hargeysa, ayaa xalay fiidkii lagu dilay badhtamaha magaaladda Hargeysa.

Marxuumka oo ahaa wiil dhalinyaro ah oo meherad bacadle ah ku haysatay suuqa waaheen, gaar ahaan agagaarka masjidka Alnuur, ayaa waxa Midi ku dilay gacan ku dhiigle la sheegay in ay jaar ahaayeen oo uu haystay meherad u dhowayd tiisa, sida ay wargeyska saxansaxo u xaqiijiyeen Ehelkiisa oo aanu kula kulanay qolka maydka markii xalay marxuumka la keenay maydkiisa.

Taliska Ciidanka Booliska Somaliland oo wargeyska saxan saxo la xidhiidhay, ayaa xaqiijiyeydilka marxuum Farxaan Maxamed Aadan, isala markaana gacanta lagu soo dhigay gacan ku dhiglihii dilkaaasi geystay.

Afhayenka Ciidanka Booliska Somaliland Gaashaanle Sare Faysal Xiis Cilmi oo si kooban noogu xaqiijiyey dilka marxuumkan, waxa uu yidhi “Dilkaasi wuu jiraa waana la qabtay gacan ku dhiiglihii geystay oo waanu haynaa” ayuu yidhi Afhayeenka Booliska Somaliland oo aanu khadka telefoonka kula xidhiidhanay”

 

Maydka Marxuumka ayaa xalay fiidkii markii uu dilkani dhacay waxa la kenay cisbitaalka guud ee magaaladda Hargeysa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here