Coldoon Oo Ka Nixiyey Rag Iyo Dumar Aroos Ahaa Oo Mashruucii Uu Furay Iska Diiawangaliyey + Go’aan Yaab Leh Oo Uu Ku Dhawaaqay + Muxuu Yidhi

0
1676

Coldoon Oo Ka Nixiyey Rag Iyo Dumar Aroos Ahaa Oo Mashruucii Uu Furay Iska Diiawangaliyey + Go’aan Yaab Leh Oo Uu Ku Dhawaaqay + Muxuu Yidhi

“Waxa aanu halkan ku shaacinaynaa in aanu gabi-ahaanba joojinay mashruucii labdeena , anaga oo ka hortagayna dhibaatada ka iman-karta hadii uu sii socdo,kadib markii laga faafiyey warar aan xaqiiqada salka ku hayn, iyo anaga oo tixgalinayna codsiyada dadkayagu nagaga dalbanayaan joojinta mashruucan.

Waxa dhab ah in ay dad badni soo dhaweeyeen mashruuca Labadeena , halka dad badan oo kalena ka biyo-diideen , labadaa kooxood waxa u dhexeeyey kuwo si gurracan wax u sheegayey, oo odhonaayey waa mashruuc lagu ceebaynayo magaalo gaar ah,qaar kalena waxa ay lahaayeen mashruuca labadeena wuu siyaasadaysanyahay, intaas oo dhami may ahayn wax runta taabanaya.
Waxa xusid mudan qaar kamida walaalihii sharafta lahaa ee nagala hawlgalay Labadeena in ay dhibaato ka soo gaadhay , taasina aad bay noo damqaday .
Mar hadii aanu joojinay mashruucii Labadeena waxa aanu ugu baaqaynaa bulshada guud ahaan in ka war-hayaan dadka naafada ah ee baahiyaha gaarka ah leh ee aan haysan cid ay nolosha la wadaagaan.
Allaah maha leh” Ayuu Yidhi Coldoon oo mashruucan Gudoomiye ka ahaa

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here