Cristiano Ronaldo Oo Bilaabay Olalihiisa Ballon d’Or – Daawo Isagoo Ku Heesaya Xalayto: Cristiano, Ballon d’Or

0
229

Ka dib markii ay Sergio Ramos iyo Zinedine Zidane ay la hadleen taageerayaashii Real Madrid ee xalayto isagu soo uururay Santiago Bernabeu si ay ugu dabaaldegaan hanashadooda Champions League, Cristiano Ronaldo ayaa qabsaday mikrafoonka isagoo bilaabay olalihiisa uu ku doonayo abaalmarinta Ballon d’Or markii shanaad.

Ronaldo ayaa markii uu qabsaday mikrafoonka waxa uu u mahadceliyay jamaahiirta waxaana uu bilaabay inuu hees ka dhigo rabitaankiisa abaalmarinta Ballon d’Or.

Waxa uu durbadiiba xiriir fiican la yeeshay jamaahiirta kuwaasoo bilaabay inay heestiisa caanka ah ku luqeeyaan: ‘Siuuuuuuuuuh’ ka hor inta uusan Ronaldo isagana bilaabin inuu ku heeso “Cristiano, Ballon d’Or,” iyadoo jamaahiirta ay la qaadayeen.

Waxaa Ronaldo ku soo xoomay ciyaartoyda kale ee Real Madrid oo dabaaldeg la sameeyay.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here