Dawlada Qatar Oo Lacagtii Ugu Miisaanka Cuslayd Ku Wareejisay Xisbiga Waddani Ka Dib Heshiis Uu La Galay Somaliya + Imisa Ayaa La Siiyey

0
1324

Dawlada Qatar Oo Lacagtii Ugu Miisaanka Cuslayd Ku Wareejisay Xisbiga Waddani Ka Dib Heshiis Uu La Galay Somaliya + Imisa Ayaa La Siiyey

Madaxda Sar sare ee xisbiga wadani ayaa mudooyinkii u dambeeyay gaalaa baxayay safaro ay dalka dibadiisa ah oo si ka duwan sida inta badan looga bartay waftiyadada Qaranka iyadoo aan laga war helin ujeedka safarkooda iyo halka uu ku jihaysan yahay, waxase durbadiiba soo baxay warar xaqiijinayey in madaxda xisbiga wadani ay u duuleen dalka Turkiga, iyo dareen ah in uu safarkani xidhiidh la leeyahay wada-shaqayn hoose oo ay turkiga kula qaataan madaxda fadaraalka soomaaliya iyo safiirka Dalka turkiga u fadhiya dowlada qatar.

Warar xog-ogaal ah ayaa sheegay in uu jiro qorshe dawladda Federaalka ee Soomaaliya aad dabada uga waddo oo ah in Sidii Xisbiga wadani u loogu heli lahaa taageero maaliyeed oo uu ku galo ololaha doorashada Somaliland ka dhici doonta Dabayaaqada sanadkan 2017 arrintaas oo ay dawladda Turkiguna kala shaqaynayso.

Wararka ayaa sheegaya in Amiirka Dalka Qadar Sheikh Tamim bin Hamad al-Thani uu xisbiga wadani ku gudoonsiiyay Deeq lacageed oo lagu sheegay cadadkeeda $12 melion oo Doollar,lacagtan Amiirku siiyay Xisbiga Wadani ayaa loo soo mariyay Madaxa sare ee safaarada Qatar ay ku leedahay dalka turkiga Ambassador Mr.Salem bin Mubarak Al-Shafi sidoo kalena waxaa Goob joog ahaa Wasiir Ku Xigeenka Arrimaha Dibadda ee Dalka Turkiga Ahmet Yıldız. Iyo Wasiirka Arimaha dibada ee dowlada federaalka soomaaliya Yusuf garaad.

Amiirka Dalka Qatar Amiir Sheikh Tamim bin Hamad al-Thani lagu tilmaamo siyaasi leh awood saamayn karta gobolka Bariga Dhexe iyo adduunkaba. kuna dedaalaa siyaasad furfuran oo ku-dhac leh ayaa deeqdan uu Xisbiga Wadani Siiyay lagu macneeyay laba arimood oo kala ah

Xisibiga Wadani oo xukuumada federaalka kula jira heshiiska ah kawada shaqaynta Midnimada wixii laysku odhan jiray Soomaaliya
Go,aanka Xukuumada Somaliland ka qaadatay xasarada Wadamada khaliijka ka taagan
Ugu dambayntiina Imaatinka Weftiga Gudoomiya Cabdiraxaan Ciro ayaynu la sugaynaa inay Tafaasiil ku fillan ka bixiyaan su’aalaha iyo tuhunadan jawaabta u baahan ,

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here