Dawladda Qadar Oo Ka Jawaabtay Xidhiidhka Ay U Jareen Dalalka Sucuudiga, Masar, Baxrayn Iyo Imaaraadka Carabtu

0
199

Dawladda Qadar ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay go’aanka dalalka Imaaraadka, Masar, Sacuudiga iyo Baxreyn ay ugu jareen xidhiidhka Diblomaasiyadeed.

Dawladda Qadar, waxaa qoraal ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ay ku sheegtay in go’aankaasi uu ahaa mid lagu fududaaday oo laga shidaal qaatay eedeymo aan sal laheyn.

Doxa waxaa ay mudaawdiniinteeda u sheegtay in aaney noloshooda wax isbadal ku imaan doonin, isla markaana ay ka hor tagi doonaan wax walbo oo saameyn xun ku yeelanaya bulshada iyo dhaqaalaha dalkaasi.

Ugu dambeyntii waxaa ay Qadar wax lagu xumaado ku tilmaantay in dowladahaasi 3-da ah aaney arag dhibaatada heysata shacabkooda ee ay qeyb ka noqdeen dhibaateynta Doxa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here