DEG DEG:- Amaankii Oo Caawa Faraha Ka Baxay Iyo Wasiirkii Dhalinyarada Oo La Dilay + Xukuumada Oo Arintan Cadaysay Iyo Baroorta Caawa + Ciidanka Oo Heegan La Galiyey

0
807

Inkasta oo is bedel la filayey hadana amaanku faraha ayuu ka baxay ciidankana waxa la galiyey heegan buuxa iyaga oo aan ogalayn dhaq dhaqaaqa shacabka waxaana la celiyey dadkii u diyaar garoobayey ciidka oo fooda inagu soo haya
Caawa shacabku wadnaha ayey farta ku hayaan waxaana la dilay wasiir dawlada ka tirsanaa isaga oo ka mid noqday dadkii ku dhintay falkii galabta dhacay waxaana wali soo baxaya faah faahino ku saab san qaabka ay wax u dhaceeen
Wasiirkii dhalinyarada dawlad goboleedka Jubaland Maxamed (Aw-libaax) ayaa ka mid noqday dadka ku geeryooday qaraxii maanta ka dhacay magaalada Muqdisho taasi oo aad looga wada naxay
Geerida Wasiir Aw-Libaax ayaa saxaafada u xaqiijiyey masuuliyiin ka tirsan maamulka Juballand.
Marxuumka ayaa la sheegay in qaraxa ka dib goobta laga qaaday isagoo dhaawac ah balse daqiiqado ka dib uu Isbitaalka ugu geeriyooday dhaawacyadii soo gaaray.

Aw-libaax ayaa ka mid ahaa saraakiishii ciidamadii ahlu suna ee Al-Shabaab kula dagaalamay degaano ka tirsan gobolka Gedo ka hor inta uusan ku biirin maamulka Juballand.

Ku dhowaad 10 ruux oo shacab u badan ayaa ku naf waayey qaraxa ismiidaaminta ah ee lagu weeraray saldhiga Waaberi halka qaar kale oo badana ay ku dhaawacmay waxaana ka dhashay burbur xoogan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here