DEG DEG:- Boqorka Sucuudiga Oo Amray In Somaliland La Siiyo Lacagtii Ugu Miisaanka Cuslayd + Mashaariicdii Xamar Oo Uu Joojiyey + Waa Imisa Lacagta Somaliland La Siinayo?

0
506

DEG DEG:- Boqorka Sucuudiga Oo Amray In Somaliland La Siiyo Lacagtii Ugu Miisaanka Cuslayd + Mashaariicdii Xamar Oo Uu Joojiyey + Waa Imisa Lacagta Somaliland La Siinayo?

Warar soo baxaya oo aan helnay ayaa waxa ay sheegayaan in dowaldda Sacuudiga ay ka weecisay dhaqaalo ay horay ugu balaan qaaday dowladda Federaalka Soomaaliya ee uu hoggaamiyo Maxamed cabdullaahi(Farmaajo)

Boqorka dalka Sacuudiga Boqor Salaan Bin Cabdul Casiis ayaa la sheegay in uu wareejinta dhaqaalaha Dhinaca somaliland uu u weeciyay ayaa lala xidhiidhanayaa go’aankii dowladda Federaalka Soomaaliya ee dhexdhexaadka ka ahaa khilaafka u dhaxeeyo Wadamada Khaliijka,

Wararka ayaa waxa ay intaasi ku darayaan in lacagtaan oo dhan 50 milyan uu horay u amray in la siiyo Soomaaliya Boqor Salmaan balse hada uu markale shaaciyay in la siiyo Jamhuuriyada Somaliland .

Sidoo kale waxaa la sheegayaa in dowladda Sacuudiga ay dib ula laabatay qorshooyin Mashaariic horumarineed looga fulin lahaa dalka Soomaaliya taas oo Soomaaliya horay u balan qaaday sida laga soo xigtay Saraakiil ka tirsan Dowladda Sacuudiga.

Sikastaba dowladda Somaliland ayaa qaadatay Go,aan si wayn wax uga taray cilaaqaadka Diblumaasiyeed ee ka dhaxeeya somaliland iyo dowladaha Carabta

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here