DEG DEG:- Ciidanka Oo Nolol Ku Qabtay Saraakiil Al-shabaab Ah Oo La Sheegay In Bariga Somaliland Ay Qabsadeen + Hubkii Iyo Cuntadii Ay Karsanayeen Oo La Soo Bandhigay + Sawiro

0
1558

DEG DEG:- Ciidanka Oo Nolol Ku Qabtay Saraakiil Al-shabaab Ah Oo La Sheegay In Bariga Somaliland Ay Qabsadeen + Hubkii Iyo Cuntadii Ay Karsanayeen Oo La Soo Bandhigay + Sawiro

Ciidanka Amniga Maamulka Gaas ee Puntland oo afartii maalmood ee la soo dhaafay ka waday Buuraha Cal madow hawlgalo sifayn ah oo ka dhan ah ururka argagixisada Al Shabaab ee ku dhuumalaysta Buuraha Cal Madow, ayaa La Sheegay in ay hawl galkaasi ka gaadheen guulo dhanka soo qabashada maxaabiis iyo saraakiil ka tirsan Al shabaab waxayna Bur buriyeen Saldhigyo Ururka Al shabaab ku lahaayeen buuraha Gal gala iyo aaggaga Madarshoon,Diindigle,Biyo Madow iyo Mariidle ee Buuraha Cal Madow.

Bartilmaameedka hawlgalkan ciidanka Maamulka Puntland ay fuliyeen ayaa ahaa goobo ay ururka argagixisada Al Shabaab kaga sugnaayeen Buuraha Cal Madow, waxayna ciidanku weerarkan ku dileen 18 ka tirsan ururka argagixisada Al Shabaab oo ay ku jireen saraakiil, waxayna maxaabiis ahaan u qabteen saddex xubnood oo ka tirsan Al Shabaab; sidoo kale ciidanku waxay hawlgalkaas ku gubeen kaydadkii labadaas saldhig oo ay yaaleen raashin,hub,rasaas iyo daawooyin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here