DEG DEG:- Dawlada Qatar Oo Hawada Ka Saartay Telefishankii Qaranka Somaliland Iyo Xukuumada Siilaanyo Oo Ka Hadashay Daan-daansiga Dagaal Ee Qatar + Xaalada Oo Xun

0
1295

DEG DEG:- Dawlada Qatar Oo Hawada Ka Saartay Telefishankii Qaranka Somaliland Iyo Xukuumada Siilaanyo Oo Ka Hadashay Daan-daansiga Dagaal Ee Qatar + Xaalada Oo Xun

Qaybo ka mid ah Telefishanka Qaranka Somaliland gaar ahaan qaybtii Afirka ee laga daawan jiray Thiacom gaar ahaan godka Frequency 3670 Symbol Rate 3333 ayaa dawlada Qatar si rasmi ah hawada uga saartay iyada oo dagaal toos ah ku soo qaaday is gaadhsiinta Somaliland isla markaana doonaysa in ay si wayn uga aarsato Jamhuuriyada Somaliland oo xidhiidhka u jartay

Dhinaca kale wasiirka Wasaaradda warfaafinta Somaliland oo arinkan ka hadlay ayaa sheegay in wararkaasi ay yihiin kuwo been abuur ah isla markaana Telefishanka Qaranku uu u guuray god iyo goob kale oo muuqaal wanaag san kuwii hore

Somaliya iyo xulufadeeda oo Turkiga iyo Qatar ugu horeeyaan waxa ay dagaal ku soo qaadeen Somaliland kaasi oo ay doonayaan in ay albaabo badan ka soo xidheen Jamhuuriyada Barakaynsan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here