DEG DEG:- Dawlado Kale Oo Xidhiidhka U Jaray Dawlada Qatar + Somaliya Oo Qirin Qiir La Galiyey Iyo Tirada Dalalka Go’aanka Iminka Ku Dhawaaqay

0
2714

DEG DEG:- Dawlado Kale Oo Xidhiidhka U Jaray Dawlada Qatar + Somaliya Oo Qirin Qiir La Galiyey Iyo Tirada Dalalka Go’aanka Iminka Ku Dhawaaqay

Dawladaha Eritreya iyo Niger ayaa ku dhawaaqay in ay xidhiidhka u jareen dawlada yare e go’doonka la galiyey isla markaana taageerada dhuumashada ah siisa kooxaha argagixisada.

Wasaaradda warfaafinta Eretreya waxa ay ku dhawaaqday in sucuudiga iyo xulufadiisu ku taagan yihiin dariiq sax ah sidaasi darteedna ay dawladiisu xidhidhka u jartay Qatar.

Niger sidaasi si la mid ah waxa ay ugu dhawaaqday in ay xadhkaha u goysay dawlada ku eedaysan taageerada Argagixisada ee Qatar.

Labadan dale e ku dhawaaqay inay xidhiidhka u jareen Qatar waxa booqday wefti ka socda sucuudiga oo uu hogaaminayo wasiirka arimaha dibada Sucuudiga kaasi oo ku qanciyey in ay xidhiidhka u jaraan dawalda Qatar isla markaana u soo bandhigay cadaymo rasmi ah oo la xidhiidha in ay argagixisada taageerto Qatar.

Somaliya aya ku adkaysanaysa in ay dhex dhexaad tahay balse si cad ula safatay dawlada Qatar oo Turkigu la socdo waxaana arintan ay qirin qiir galinaysaa siyaasadeeda arimaha dibada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here