DEG DEG:- Dr Maxamed Cabdi Gaboose Oo Ka Baxaya Xisbiga Mucaaradka Ee Waddani Iyo Go’aan Uu Syaasadda Ka Qaatay + Muxuu Yahay Go’aanku?

0
961

DEG DEG:- Dr Maxamed Cabdi Gaboose Oo Ka Baxaya Xisbiga Mucaaradka Ee Waddani Iyo Go’aan Uu Syaasadda Ka Qaatay + Muxuu Yahay Go’aanku?

Dr. Maxamed Cabdi Gaboose hogaamiye siyaasadiisa shacabku jecel yahay saaxiibna la yahay ayaa waxa uu markii ururkii Umaddu ka dhacay uu ku biiray xisbiga mucaaradka ah ee Waddani oo ay isku beel yihiin Mudane Cabdiraxman Cirro.

Waxa la sheegayaa in Dr-ku xalay warqad u qoray xisbigiisa Waddani isla markaana uu ka cudur daartay siyaasadda dalka iyo ta xisbiga ee uu ka mid ka ahaa waxaana uu arintaasi ku sababeeyey in uu doonayo in uu gaar u noqdo hawsha dawaynta shacabka iyo furitaanka cusbitaalka cusub oo halka Togdheer fooqii dhismihiisu dhamaaday isla markaana dhawaan la furi doono.

Dr. Gaboose ma cadayn in uu gabi ahaanba siyaasadda hada iyo ta hadaw uu ka fadhiistay balse wuu ka cudur daartay xisbigiisa waddani sida aanu xogaha ku helayno.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here