Deg Deg Murashax Cabdiraxman Ciro Oo Iminka Xilkii Loo Doortay Iska Casilay Iyo Xaalada Uu Adiss Ababa U Joogo

0
197

Deg Deg Murashax Cabdiraxman Ciro Oo Iminka Xilkii Loo Doortay Iska Casilay Iyo Xaalada Uu Adiss Ababa U Joogo

Musharax xisbiga mucaaridka ah ee waddani Md Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro ahaan xubin ka mid ah xildhibaanda golaha wakiilada Somaliland ayaa sheegay in uu gabi ahaanba iska casilay xubin nimadii uu ka ahaa golaha wakiilada mud dhan 12-Sano, sidaasi waxaa uu musharax cabdiraxmaan ciro ku sheegay war saxaafadeed uu shalay soo saaray,

 

Sida xafiiska warqabdaka shabakada caalmiga ah ee Cimilo news .com ku gaadhay nuqul ka mid ah warsaxaafadeedkaas uu soo saaray musharax Cabdiraxmaan Cirro.

 

   Ku:- Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland

Og:- Xoghayaha Guud Ee Golaha Wakiilada

  Ujeedo:- Banayn Xubinimadii Golaha Wakiilada Somaliland

Mudane Gudoomiye

Aniga oo ah mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro),waxaan manta oo taariikhdu tahay 10.October .2017 iska casilay xubinimadii golaha Wakiilada Somaliland.

Waxaan gole waynaha u rajaynayaa guul,shaqo wanaagsan iyo xil gudasho wanaagsan,sidoo kalena waxaan Illaahay ka rajaynayaa inuu quweeyo dalkeena Somaliland,dadkiisana Barwaaqo ku mannaysto.

Allah Mahad Leh

Dr Cabdiraxmaan Maxmed Cabdilaahi (Cirro).

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here