DEG DEG:- Qatar Oo Dagaal Ku Soo Qaaday Somaliland + Wiil Ay Hargaysa Kala Baxayeen Oo Ciidanku Qabtay Iyo Madaxweynaha Oo Maanta Safraya

0
1595

Warka iga soo gaadhaya magaalada Hargeysa, ayaa xaqiijinaya in ciidamadda booliiska Hargeysa ay xidheen Sheekh Ismaaciil Cumar Madar, oo ah nin da’yar oo dhawaan dawladda Emirateku soo musaafurisay isagoo marka kaga qayb gallaaya magaalada Dubai tartanka quraanka kariimka ah.

Sidaan warka ku hellay, Amiirka dalka Qatar Sheekh Tamim Binu Xaamid Althani ayaa u fidiyay Sheekh Ismaaciil yare casuumad iskugu jirta hadyado lacageed, isla markaana wuxuu amiirka dalka Qatar u fidiyay Ismaaciil inuu ka hello doono dalka Qatar degenaansho rasmi ah, shaqo, iyo weliba guri.

Sheekh Ismaaciil oo saaka doonaayay inuu ka dhoofo magaalada Hargeysa, una sii jeeday magaalada Doha ee dalka Qatar, ayey ciidamadda booliiska Hargeysa oo amar ka hellaya xarunta madaxtooyadu ay xabsiga dhigeen, waxaana lagu sii daayay maanta goor danbe dammiin, ma cadda sababta loo xidhay Ismaaciil.

Waxaa la filaya in Sheekh Ismaaciil yare uu dhawaan u safri doono magaalada Muqdisho, halkaasi oo uu diyaarad rasmi ah oo dawladda Qatar usoo dirayso uga soo sii gudbi doono magaalada Doha ee dalka Qatar.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here