DEG DEG:- Somaliland Oo Sheegtay Danta Ugu Jirta Xidhiidhka Ay Qatar U Jartay + Somaliya Oo Ay Faataxada U Martay Iyo Sucuudiga Oo Aqoonsi La Diyaar Ah + Waraysi

0
852

DEG DEG:- Somaliland Oo Sheegtay Danta Ugu Jirta Xidhiidhka Ay Qatar U Jartay + Somaliya Oo Ay Faataxada U Martay Iyo Sucuudiga Oo Aqoonsi La Diyaar Ah + Waraysi

Somaliland waxa ay markii ugu horaysay ka hadashay danaha siyaasadeed ee ugu jira xidhiidhka ay u jartay Qatar waxaana ay sheegtay in Qatar uu yahay dal aanay Somaliland waxba la wadaagin isla markaana dhinaca kale ee xulufada sucuudigu uu yahay marinka dhaqaalaha Somaliland

Safiirka Somaliland u fadhiya imaaraadka carabta Amb Baashe Cawil oo waraysi gaar ah taleefanka ku siiyey wargayska Saxansaxo oo waxa uu hadalkiisa ku bilaabay sidan.

“ma aha inagu Qatar dal aynu neceb nahay laakiin waa dal walaalaheen ah oo aynaan dhibaato la eclayn laakiin anagu bar bar ka ay maanta taagan tahay waxa weeyaan dadka aynu wax la qabano xag kasta oo ay noqotaba cida aynu wax la wadaagnaa waa dalalkaas imaaraadka iyo sucuudiga oo taas ayeynu ku taageernay”

Sidoo kale safiir Baashe waxa uu shaaciyey in Xulufada sucuudiga loo gudbiyey taageerada Somaliland ay isla bar bar istaagtay isla markaana ay xidhiidhka ugu jartay dawlada Qatar isaga oo xusay in sucuudiga iyo imaaraadku uu si wayn ugu mahad naqay Somaliland waxaana uu yidhi “Somaliland iyo somaliya waa laba dal oo mudo kala maqnaa ayey ahaayeen oo taariikh hore wadaagay ayey ahaayeen laakiin iminka mudo kala maqnaa oo siyaasadooduna kala duwanayd wadan walbana marka go’aan qaadanayo waxa uu ka hadlaa maslaxadiias markaa somaliya hadii ay iyadu Qatar dano gar ah ku qabtay dee waanu ugu faataxaynaynaa inagu Somaliland ahaan, laakiin anagu Somaliland ahaan go’aankaas ayaanu qaadanay xidhiidhka imaaraadka iyo iyaga ka dhaxeeyana anagu Somaliland ahaan wadan ayaanu nahay oo wax badan kaga fogaan mayno laakiin iyaga ayey u taalaa balse taageeradaas aynu siinay imaaraadka iyo sucuudiga ee aynu is bar bar taagnay waa loo gudbiyey oo dawladda Somaliland way u gudbisay dawlada sucuudia iyo imaaraadka waana inooga mahad celiyee”

Dhinaca kale Amb Baashe waxa uu sheegay in arintani ay fursad dahabi ah u tahay Somaliland isla markaana durba uu xoogaystay xidhiidhka ka dhaxeeya Somaliland iyo xulufada sucuudiga iyo imaaraadka waxaana uu yidhi.

“marka arimahan oo kale yimaadaan ma nihin dalka ku xidhan ama ka bad badi kara khilaafkan oo waa khilaaf ina saamaynaya mar hadii uu ina saamaynayana waxa muhiim ah in halka ay maslaxadeena iyo danteenu ku jirto ama aynu u arkayno ta saxda ah in aynu is bar bar taagno markaa dawladda Somaliland iyada oo danaheeda iyo masaaliixdeeda guuraysa ayey waxa ay ku taageertay sucuudiga iyo imaaraadka go’aankoda waana laba dal oo aynu xaga amaanka ka wada shaqayno hadii ay noqoto arimaha amaanka mandaqada waxa ka dhacaya iyo hadii ay noqoto arimaha bani aadamtinimada ee ay ina caawiyaan markaa waxaan rajaynaynaa in uu wax wayn is bedelo oo xidhiidhkan iminka inoo bilaamay laba sano ka hor ma aynaan lahayn wax wayna way is bedeli doonaan” ayuu yidhi safiirka Somaliland u fadhiya Imaaraadka carabta Amb Baashe Cawil oo khadka taleefanka ugu waramayey wargayska madaxa banaan ee Saxansaxo oo hargaysa ka soo baxa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here