(Deg Deg):- Wasiirkii Caafimaadka Oo Xanuunka Shuban Biyoodku Ku Dhacay + In La Ogaado Oo La Diiday Iyo Guri Lagu Dawaynayo

0
796

 

Magaalada burco waxa lagu dawaynayaa wasiirkii caafimaadka Saleebaan Ciise oo xanuunka shuban biyoodku soo ritay xalay saacihii danbe xili uu gar gaar u fidinayey dadka halkaasi ku nool oo xanuunku si wayn u soo ritay xalay iyo shalay

Waxa la qariyey wasiir Saleebaan iyada oo lagu dawaynayo sida la sheegay guri uu leeyahay nin xildhibaan ah oo burco ah waxaana dabiibaya dhakhaatiir waawayn inkasta oo la sheegayo markii wasiirku soo dhacay in aan hore gurmad loola gaadhin dhakhaatiirta oo kala maqnaa awgood

Xanuunkan ayaa halis ku haya deegaanada Somaliland waxaana iminka la sheegaya in uu gobolada galbedka si deg deg ah uga dilaacay kuna faafay bulshada halkaasi ku nool

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here