Difaacii Kooxda Arsenal Oo Ku Biiraya Kooxda Barcelona Iyo Heshiis Hoose Oo Uu Saxeexay

0
313

Difaacii Kooxda Arsenal Oo Ku Biiraya Kooxda Barcelona Iyo Heshiis Hoose Oo Uu Saxeexay

 

Barcelona ayaa kusii dhawaaneysaa iney lasoo saxiixato daafaca midig ee Arsenal Hector Bellerin kaas oo ku imaan kara Camp Nou lacag dhan 50 Malyan oo Pound.

Sida ay sheegayaan warbixino ka imaanaya Spain – xidigaan ayaa la fahansan yahay inuu qarka u saaran yahay inuu heshiis shaqsi ah la meel dhigo kooxda Baecelona.

22-jirkaan heerka caalami wuxuu u muuqdaa mid ku laabanaya gurigii uu kusoo barbaaray madama uu ka mid yahay xidigaha kusoo barbaaray xerada La Masia.

Idaacadda RAC1 ayaa shaaca ka qaaday in xidigaan uu uu wada hadalo xasaasi ah la yeelanayo Arsene Wenger kuna aadan arinta meesha dhexe mareysa ee u dhaxeysa isaga iyo Barcelona.

Barcelona waxaa la fahansan yahay iney kaliya u baahan tahay iney qiimaha kala heshiiso Arsenal – kaliya 50 Malyan oo Pound ayaana lagu heli karaa.

Dhanka kale Arsene Wenger ayaa durba kasii fakaray xidigii booskiisa buuxin lahaa isagoo heshiis cusub ku qancinaua Chamberlain kaad oo dhawr jeer lagu tijaabiyay booska daafaca midig dhamaadkii xilli ciyaareedka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here