doorashada kenya Oo Halkii Ugu Xumad Maraysa+Dagaal Inuu Dhaco Oo Wax Yar Loo Jiro (Akhriso)

0
190

Wafula Chebukati gudoomiyaha IEBC

 

Waxaa shaki wayn uu hareeyay u diyaar garowg qabashada doorashada ku celiska ah ee dalka Kenya.

Doorashada madaxwaynanimada ee ku celiska ah ayaa lagu wadaa in la qabto 26 bishan o ay todobaad oo kali ah naga xigto.

Gudoomiyaha guddiga doorashada Kenya Wafula Chebukati ayaa sheegay in uusan damaanad qaadi Karin doorasho u dhacda si lagu kalsoonaan karo.

Mr Chebukati,ayaa sheegay in isbadal uu isku dayay in uu sameeyo ay ka hor yimaadeen xubnaha guddiga.

Hadalka gudoomiyaha guddiga doorashada Kenya ayaa waxa si kulul uga jawaabtay dowladda.

Madaxwayna ku xigeenka Kenya William Ruto ayaa ugu baaqay Mr Chebukati in uu joojiyo khudbooyiinka uu dadka u jeedinayo oo uu qabto doorashada.

Waxa jirta cabsi isa soo taraysa oo laga qabo in Kenya ay ka dhacaan rabshado siyaasadeed.

Hogaamiyaha mucaaradka ugu wayn Kenya, Raila Odinga, ayaa horey isaga baxay doorashada ku celiska ah .

Mucaaradka ayaa soo bandhigay shuruudo ay sheegeen in ay tahay in la fuliyo ka hor inta aysan doorashada ka qayb galin

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here