Duur Iyo Sala-calee Oo Gacanta Iskula Tagay Iyo Faadumo Siciid Oo Orod Kaga Baxday Xarunta Xisbiga + Arinta Dagaalku Ka Dhashay Iyo Khilaafka Curtay

0
2059

Duur Iyo Sala-calee Oo Gacanta Iskula Tagay Iyo Faadumo Siciid Oo Orod Kaga Baxday Xarunta Xisbiga + Arinta Dagaalku Ka Dhashay Iyo Khilaafka Curtay

Xisbiga mucaaradka ah ee Waddani ayaa khilaafkii ugu cuslaa ka dhex jiraa waxaana laysku maandhaafsan yahay qaabka loo wajahay arinta khilaafka khaleejka.

Maalintii xisbigu Qaraarka soo saaray maalintii ka horaysay waxa lagu kala kacay shir xisbigu iskugu yimi waxaana loogu kala jabay laba dhinac iyada oo aanay wax ajande ah ka soo bixin

Garab ka mid ah garabyadii maalintaa is khilaafay ayaa soo saaray qaraar uu ku sheegayo in uu xukuumada taageersan yahay halka garabkii kalana aanu wax war ah ka hayn waxaana taasi ay sababtay in mudo khilaaf soo jiitamayey ay gacanta isku saaraan XIldhibaan Sala-calee iyo Duur.

Marwo Faadumo Siciid ayaa iyadu mudo todobaad ah aan ka soo qayb galin shirarka xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani iyada oo cadho ku maqan halka xisbiga ay ka maqan yihiin hogaankii xisbigu.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here