Eden Hazard Oo Dhaawac Halis Ah Uu Ku Soo Gaaray Tababarka Xulka Belgium & Mudada Uu Maqnaan Doona Oo La Ogaaday

0
159

Weeraryahanka Chelsea Eden Hazard ayaa dhaawac uu ka soo gaaray kubka intii uu ku maqnaa waajibaad qaran ee xulkiisa Belgium. Hazard ayaa dhaawaca uu ku soo gaaray tababarkii shalayto ay xulka ku sameyneyeen National Football Centre ee magaalada Tubize, waxaana uu seegi doonaa kulanka  saaxiibtinimo ee ay Belgium la ciyaari doonaan Czech Republic maalinta Isniin iyo kulanka isreebreebka Koobka Adduunka ee ay 9ka bisha Juun la ciyaarayaan xulka Estonia.

Baaris lagu sameeyay dhaacisiisa ayaa lagu ogaaday in dhaawaca uu ka halis badan yahay sidii markii hore la filayay, waxaana Hazard uu haatan garoomada ka maqnaan doonaa muddo sideed isbuuc ah.

Labada bilood ee uu garoomada ka maqnaan doona waxa ay saameyn ku yeelan doontaa isku diyaarinta Chelsea ee xilli ciyaareedka soo socda.

Belgium ayaa u sareysa Group H ee isreebreebka Koobka Adduunka iyagoo labo dhibcood ka sareeya xulka Gariiga ka dib markii ay badiyeen afar kulan islamarkaana ay barbaro galeen hal kulan shantii kulan ee ay ciyaareen laakiin haatan waxa ay ku qasban yihiin inay badiyaan xiddigooda la’aantiis.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here