Eden Hazard Oo Jeclaan Lahaa Inuu Kursiga U Fadhiyo Real Madrid & Hadal Heynta Wararka La Xiriirinaya Caasimadda Spain.

0
207

Eden Hazard ayaa albaabada u furay Real Madrid madama uu doonayo xidigaan inuu ku guuleysto koobka ugu qiimaha badan yurub heerka kooxeed ee Champions League.

Garabka reer Belgium ayaa ku naaloonaya nolosha galbeedka London wuxuuna heystaa heshiis sadex sano ah kaas oo isbuucii uu ku helo aduun dhan 200,000 kun oo Pound.

Tababare Antonio Conte ayaa carabka ku adkeeyay dhawaan iney adagtay in la celiyo xidig doonaya inuu isaga tago kooxda, balse Hazard ayaa la weydiiyay hadii uu xiiseynayo inuu u guuro kooxda difaacaneysa koobka.

“Dabcan waan eegi doonaa, sida daacadda ah ma ogaan karo waxa dhici doona”

“Kaliya waxaan ogahay inaan heshiis sadex sano ah ku heysto halkaan isla markaana sanadkii hore aan ciyaartoyda iyo tababaraha la qaatay waqti fiican. Waxaan dooneynaa inaan u dhaqaaqno ku guuleysiga Champions League”

“Waxaan xilli ciyaareed fiican la qaadanay Antonio Conte, waxaan dooneynaa waxyaabo dheeraad ah oo uu ku jiro Champions League, wanaag ayaan ku dareemayaa Blues, balse waligaa ma ogaan kartid waxa dhici doona”

Dhanka kalana Eden Hazard ayaa daawaday Real Madrid oo qaadeysa koobka Champions League xilli uu waqti la qaadanayay xulka qaranka wuxuuna ku kaftamay baahida uu tartankaas u qabo.

“Wey ii wacnaan laheyd inaan kursiga u fadhiyo” isagoo hadalkiisa sii wata ayuu yiri – “Balse dabcan anigaba sidoo kale waan ku guuleystay koob, Champions League wuxuu noqon lahaa mid qurux badan. balse sidoo kale waa hamiga Chelsea”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here