Farmaajo Oo Madaxweynaha Khadka Taleefanka Kula Soo Xidhiidhay + Xasuuqii Dhacay Oo Uu Shegay In La Ilaawo Laguna….(War Dhan)

0
241

Madaxweynaha Somali Maxamed C/llahi Farmaajo ayaa khadka Telefoonka kula hadlay Hogaamiyaha maamulka Puntland C/wali Gaas oo ciidamo farabadan lagaga dilay weerarkii shalay ka dhacay deegaanka Af-Urur oo ka tirsan Degmada Gal-gala ee Gobolka Bari.
Madaxweynaha dalka ayaa Hogaamiyaha uga tacsiyeeyay geerida ku timid ciidamada lagu laayay Saldhiga Af-Urur.
Madaxweynaha waxa uu C/wali Gaas u sheegay in DFS ay garab taagan tahay isla markaana ay dhankooda kala dagaalami doonaan Al-shabaab.
Waxa uu Farmaajo Hogaamiyaha u sheegay inay muhiim tahay in loo midoobo Al-shabaabka baxsadka ah ee Saldhigyada ka dhiganaaya buuraha.
”Waxa socda kuma eka Puntland, maleeshiyadu cidna dhaafi meyso, waxaa la doonayaa inaan ka sinaano la dagaalanka Al-shabaab”
Madaxweynaha ayaa Gaas dib usoo xusuusiyay weeraradii ay Al-shabaab uga laayen maleeshiyaadka, waxa uuna ku qanciyay in Puntland ay ku sabarto xasuuqii ay horay ugu geysatay Shabaab.
”C/wali Gaas waxaan ka dalbaneynaa inuu ku raali noqdo xasuuqyadii ay horay ugu geysteen Al-shabaab, wakhti badan ayan heysanaa oo aan uga aargoosan karno Al-shabaab”
Dhinaca kale, Hogaamiyaha maamulka ayaa aqbalay tacsida iyo qalbi qaboojinta uu usoo jeediyay Madaxweynaha Somalia.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here