Golihii Wakiilada Somaliland Oo Gudoomiyaha Wadani Quful Saartay + Mudanayaashi Oo Banaanka Subax Kasta Tuban Iyo Suldaankii Guud Ee Habaryoonis Oo Hargaysa Soo Gaadhay + Arimo Yaab Leh

0
1443

Golihii Wakiilada Somaliland Oo Gudoomiyaha Wadani Quful Saartay + Mudanayaashi Oo Banaanka Subax Kasta Tuban Iyo Suldaankii Guud Ee Habaryoonis Oo Hargaysa Soo Gaadhay + Arimo Yaab Leh

Sida ay shaaciyeen qaybo ka mid ah Mudanayaasha Golaha Wakiilada gaar ahaan xildhibaanka ugu caansan golahaasi Axmed Diiriye Nac Nac mudanayaasha wakiilada aya subax kasta banaanka taagan isla markaana aan gudaha golaha galin ka dib markii golaha la saaray quful wayn.

Gudoomiyaha wakiilada ahna Gudoomiyaha xisbiga Waddani ayaa xaruntii wakilada jeebka ku ritay isaga oo amray in quful wayn loo saaro ilaa iyo inta uu doorashada madaxtooyada galayo sababtaasina lama garan.

Mudanayaashu wax shaqo ah ma qabsan badankooduna banaanka ayey tuban yihiin oo subax kasta ka noqdaan.

Ciro ayaa u yeedhay Suldaankiisa guud si hadii looga hadlo arintani uu Mudaharaado beeshiisa ugu kiciyo dhinac kasta isla markaana qabiilka la kiciyo waxaana iminka Hargaysa ku sugan Suldaankii guud ee Habaryoonis

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here