Halkee Ayuu Ka Geli Karaa Riyad Mahrez Shaxda Arsenal Haddii Arsene Wenger Uu Ku Guuleysto Saxiixiisa Xagaagan?

0
163

Kaliya maalmo ka dib markii Riyad Mahrez uu shaaciyay inuu doonayo ka tago Leicester City xagaagan, Arsene Wenger ayaa diiday inuu meesha ka saaro  inuu u dhaqaaqayo xiddiga garabka ka ciyaara. Laakiin Mahrez wax ma ku soo kordhin karaa Arsenal?

Ka dib markii uu saxiixay qandaraas cusub oo labo sannadood ah, Wenger ayaa shaaca ka qaaday inuu bartilmaameedsanayo saxiixiyo waa weyn oo uu ku dhiso kooxdiisa xilli ciyaareedka danbe.

Mahrez oo xiddiga sannadka ee abaalmarinta PFA ku guuleystay xilli ciyaareedkii 2015-16 ayaa hubaashii soo bandhigi kara qaab ciyaareedka sarre ee uu raadineyso Wenger, laakiin miyuu ku haboon yahay Emirates Stadium?

Sky Sports ayaa soo bandhigtay sida uu Mahrez boos uga heli karo kooxda Arsenal iyo shaxda ay tahay inuu Arsene Wenger ku ciyaaro haddii uu la soo wareegi xiddiga reer Algeria.

Shax ciyaareedka 3-4-2-1

Haddii tababare Arsene Wenger uu xilli ciyaareedka danbe ku soo shirtago shax ciyaareedka waxa uu Mahrez u dagaalami doonaa labada boos ee ka danbeeya booska gooldhaliyaha. Haddii Alexis Sanchez iyo Mesut Ozil ay kooxda sii joogaan waxa ay u badan tahay inuu booska kula tartami doono xiddiga Jarmalka oo kulamada qaar muuqbeela.

Shax ciyaareedka 4-2-3-1

Haddii Arsene Wenger uu xilli ciyaareedka danbe ku soo shirtago shax ciyaareedka 4-2-3-1, markaas waxa ay u badan tahay in Mahrez uu boos ka heli doono seddexda xiddig ee ka danbeeya gooldhaliyaha isagoo fursad u heli doona inuu ka garab ciyaaro Mesut Ozil iyo Alexis Sanchez.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here