Hooyo Iyo Afar Caruur Ah Oo Mayad Kooda Laga Helay Dhismihii Qaraxu Ka Dhacay Xili Lawaday Olalaha Nadiifan Ah(Naxdin Wayan)

0
323

14 Oktoobar 2017 3:15 galabnimo waxay amaalin ay hadhaysay murugadu magaalada muqdisho waa malin dhiigu uu noqday sidii tog oo kalaa waxay ahad maalin ay naf wayeen dad badan oo aan waxab galabsan raad sanayayan qootul daruurigoda ama nolal maali meedkoda.

Maalinta mugdiga badan ee aynu soo sheegnay ayaa ahad qaraxii ka dhacay magaalada muqdisho gaar ahaan Isgoyska Soobe  halkaas oo ah goobaha ugu ganacsiga badan muqdisho ugu yaraan 300 oo qof ayaa ku naf waayay halka dhaawacu uu kor u dhaafay 400 oo qof baaba hantida ayaa qiyaas beeshay.

Hadan ayanu si kooban u eegno khasaarihii ugu xumaan ee uu sababay qaraxani. iyad oo wali la raadi naayo dad badan oo ilaa hada aan lahan goobaha cisbitaalada ayaa buux dhaafiyeen mayad iyo dhaawac iyoda oo maydadka qaar la aqoosan kari waayay.

‘QOYAS AFAR QOFI KA BAXADAY MIDINA DHAACA QABO’

Qoyaskan ayaa qarax ku waayay labo wiil oo wallaalo ah mid ay abti u yihiin iyo gabadh dumaashidooda halka uu midkalan dhaawac soo gaadhay musiibada qoyaskan ku habsatay ayaa ah mid aad u balaadhan naxdin badana xanbaarsan ninka dhaawaca ah ayaa xaqii jiyay in dhamaan dadkaas ay halkaas ku naf waayen dadkan ayaa ku jiray xisaab xidh ay samaynayeen inatayan naf waayin.

‘AFAR WIIL OO WALLAALO AH OO KU NAF WAAYAY QARAXA’

Afartan wiil ee wallaalada ah ayaa hal mar naftooda u waayay qaraxan iga oo ku sugnaa goob ay ka shaqaysan jireen oo ku dhawad meesha uu qaraxu ka dhacay waxan wakhtigaa u fadhiisteen xisaab xidhka meherad caro ah oo ay halkaas ku lahaayen tan ayaa ah musiiboyinka ugu waayan ee qaraxu sababay wiil lashan ayaa ahaa kuwo dhilin yaro ah oo ganacsi ka wada dhaxeeyo.

‘HOOYO SAGAAL CARUUR AH KA TAGTAY’

 waa mid aad u murugo badan marka aad haysatid hal qof oo kuu adeega qofkaasin kaa baxo Hooyadan ayaa ahad mid u shaqaysatay sagaal caruur ah oo ay dhasay waxayan meherad ganacsi ku haysatay meesha uu qaraxu ka dhaya caruurtay ayaa hore u waayay aabahod’ qaraxan ku waayay hooyadii kali ahad ee nolol maalimeed kooda u soo saaraysay waan dhib aad u adag marka tano kale kula soo daristo “Alle ha kaalmeyo caruurta hooyadana ha u naxariisto” .

Maryam Cabdullahi Maalin ka hor qalinjebinteeda ayaa Dhimatay’

Maryam Cabdullahi waxay ka mid ahayd dadka doonayay in ay ka faa’ideystaan aqoontii ay jaamacadda ka soo heleen.

Anfac Cabdullahi Maxamed oo la dhalatay Maryam ayaa sheegay, “Lambarkeeda ayaan wacay, markii koobaad waa la iga qaban waayay, waan ku celiyay, wiil baa iga qabtay, wuxuuna igu dhahay Alle ha u naxariisto gabadhii lambarkan lahayd waa mayd waxayna taallaa hotel ku yaalla Soobe hortiisa.”

“Qoyska aad buu uga murugooday. Aniga waxaa murugada iiga daran waalidkeyga; aabe iyo hooyo. Alle qalbigooda ha u wanaajiyo,” ayey tiri Anfac Cabdullahi.

“Aaabe wuu soo socday, wuxuu deganaa Britain Maanta ayuu ku soo aadanaa in uu Xamar ka soo dego, laakiin maysan dhicin in uu nolol ugu imaado ee geerideeda buu ku soo aaday, gacmihiisa ayuuna ku soo aasay,” ayey hadalkeeda ku dartay Anfac.

Maryam waxay dhameysay kulliyadda caafimaadka ee jaamacadda Banaadir, xafladda qalinjebinteedana waxay ahayd 15-kii bishan. Balse maalin ka hor xilligii ay shahaadada heli lahayd ayay ku dhimatay qarixii Soobe.

“Maryam waxay ahayd qof ku deyasho mudan oo dadaalkeeda iyo howlkarnimadeeda ay ku beereen in ay jeclaato waa in ay dadka caawiso,” ayey sheegtay Anfac.

Maryam waxay ka shaqeyneysa cisbitaalka Banaadir ee magaalada Muqdisho, waxayna shaqo bilowday intii ay jaamacadda dhiganeysay.

“Waxay qorsheyneysay in ay bilowdo tababar ku saabsan taqasuska Hooyada iyo Dhallaanka iyo qalliinka la xiriiro. Waxay dooneysay in ay bilowdo ka dib xafladda qalinjebinteeda. waxay ahayd qof hammi leh,” ayey hadalkeeda ku dartay Anfac oo la dhalatay Maryam Cabdullahi.

‘AABE KU WAYAY LABO CARUUR AH OO UU DHALAY’ 

Abaaha dhalay wiilka iyo gabdha ku geeryooday qarax ayaa aha aabe naafo ah oo lugaha ka naafooway waxay u ahaaye Caawiyeyaal marka ay soo dhamastaan dhigashada dugsiga aabahan ayaa sheegay ina uu meherad ku hastay agagaarka meesha uu qaraxu ka dhacay waliba uu aad ugu dhawaa goobta uu gaadhigu ku qarxay wuxuunan sheegay inuu wali lala yahay mayad koodi

Aabahan ayaa yidhi”waxaan meherad yar ku lahaa isgoyska soobe gaar ahaan bisha cas halkaas ayay jiingad yari iga dhisnad waxaana ku gadi jiray bagaashka  qayabna sarif bay ii ahad waxaan ku maaran jiran nolasha caruurta waxaan ahay qof naafa ah ”

aabah oo hadalkisa sii wata ayaa yidhi “waxay meherad iga nasin jireen marka ay ka yimaadan dugsiga marka laga bilaabo 1:30 waxaan dub ugu soo laaban jiray 4:00 waxay ii ahaayen caawiye mar hadii aan ahay qof naafo ah caruurta inta kale waa kuwo yar-yar”

“Waxaan maqlay qarax waan soo kacay waxaan si deg deg ah ku yimi goobta anigo taxzi soo qaatay waxaan arkay goobtii aan ganacsiga ku lahan oo holcaysa waan naxay hadan wiil ayaa ii yimi wuxuu ii sheegay ina meesha uu qaraxu ka dhacay ay tahay googta aan ganacsiga ku lahaa halkaa waxaan ku waayay labo caruur ah marna caawiye aan ka dhigan jiray ”

Khasaaraha ka dhashay qaraxan maaha mid lagu soo koobi karo hal iyo labo toona waadid galaaftay 300 oo qof dhamaan tood waxay ahaayen kuwo muhiim ah hadii lasii badhan waxay ahaaye ku qoyasas badani ku tiirsanaayen yihiin.

qaraxan ayaa lagu tilmaamay qaraxii ugu waynaa ee abid ka dhaco muqdhisho uguna khasaarah badnaa ku dhawaad 1000 qof ayaa ku wax yeelobay marka la isku daro dhaawac iyo dhimashadaba sidoo kale hanti badan ayaa ku bur-burtay dhamaan somaliduna waxay noqdeen kuwo aad ugu murugooday qaraxn.

Wali lama hayo cid sheegtay qaraxan ma cid ayaa hayadaha amnigu ku xaqiijiyeen inay si dhab ah ugu danbeeyeyn . Kulan News

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here