Ismaaciil Buubaa Iyo Maxamed Biixi Oo Adiss Ababa Dirqi Lagu Kala Furtay + Arimaha Laysku Laayey Iyo Buubaa Oo Nayroobi U Cararay + Goo Joogayaal Dhacdadan Ka Hadlay

0
1842

Ismaaciil Buubaa Iyo Maxamed Biixi Oo Adiss Ababa Dirqi Lagu Kala Furtay + Arimaha Laysku Laayey Iyo Buubaa Oo Nayroobi U Cararay + Goo Joogayaal Dhacdadan Ka Hadlay

Ismaaciil Hurre Buubaa iyo Maxamed Biixi Yoonis oo ka mid ah siyaasiyiinta waawayn ee xisbiga mucaaradka ah ee Wadani kuna wada sugan Adiss Ababa ayaa la sheegay in ay lagu kala furtay maryo dhiig leh dad Somali ah oo halkaasi ku sugana ay u baxeen ka dib markii ay labada masuul ku dagaalameen goob laga shaaho oo inta badan dadka ajaanib ka ahi ku kulmaan

Sida aanu xogo kaga helnay dad goob joogayaal ah ayaa sheegay in labada siyaasi ay lahaayeen dood iyo arimo siyaasadeed oo ku saab san xisbiga ay ka tirsan yihiin ee Wadani inkasta oo mudooyinkiii danbe la sheegay in Maxamed Biixi ka baxayo xisbiga mucaaradka ah ee Wadani lana filayo In Buubaa mawduucaas kala hadlayey Ina Biixi balse aan laysla fahmin wax yaabihii laga doodayey sababtayna is dhaf dhinaca afka ah oo ugu danbayn lagu sigtay in lays fara saaro

Goob jooge Somali ah ayaa barta uu Facebook ku leeyahay waxa uu ku qoray in uu arkay mar kaliya labada oday oo sara kacay farahana isku taagaya markii dagaalku dhex mari lahaana ay kala qabteen dad fadhiyey kuraasta ku xigay oo markiiba xaalada dareemay

Maxamed Biixi waxa la sheegay in odayaasha beeshiisu kulan la qaateen ka hor intaanu dalka ka dhoofin isaga soo bandhigay tabashooyin uu xisbiga ka qabo isla markaana aanu doonayn ku sii dhex milanka siyaasada xisbiga taasi oo sababtay in uu dalka ka maqnaado xiligan oo lagu jiro xaalad siyaasadeed

Ismaaciil Buubaa inta badan waxa uu isku dayaa in uu xaliyo dhibaatooyinka siyaasadeed ee xisbiga waxaana lagu xantaa in uu yahay Musdanbeedka xisbiga ninka hogaamiya balse lama oga saamaynta uu ku yeelan doono dagaalka labada dhinac dhex maray

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here