Jose Mourinho Oo Hadalka Ku Celiyay Saxaafadda Spain Kana Hadlay Hadii Ay Wax Ka Quseeyaan Ku Biiritaanka Alvaro Morata Ee Chelsea.

0
286

Tababare Jose Mourinho ayaa hadalka ku celiyay saxaafadda Spain kuwas oo wax ka weydiiyay arimaha la xiriira ku biiritaanka Alvaro Morata ee Chelsea una sheegay ineysan wax xanuun ah ku heynin in wiilkiisii hore uu ku biiro kooxdisii hore.

Red Devils waxey guul ka heshay Los Blancos kulan ka tirsan International Championship Cup qeybtiisa waqooyiga America kulan u baahday in lagu kala baxo rigooreyaal, balse kadib kulankaas ayey saxaafadda wax ka weydiisay arimaha xidigii hore Real Madrid.

“Adiga ayey xiiso kula leedahay [Saxaafadda Spain] sababtoo ah waa shaqadaada inaad wax ka qorto waxa la xiriira Real Madrid, balse aniga ahaan, waxba iiguma dhisna inaan ka hadlo waxa ku saabsan arintaas. Alvaro wuxuu ka tirsan yahay Chelsea. waa go’aankiisa. maxaan kaloo ka dhici karaa? waxaan u rajeynaya nasiib wanaagsan, waxaana u rajeynayaa farxad. wax macno ah iima lahan ka hadalka waxa ku saabsan wixii dhacay iyo waxa dhici doona” ayuu yiri Jose Mourinho oo saxaafadda kula hadlayay Levi’s Stadium.

Dhanka kale Antonio Conte ayaa shaaca ka qaaday in kulanka ay Singapore kula ciyaarayaan Bayern Munich uu safan doono Alvaro Morata sidoo kalana uu mar walba ahaa dooqiisa koowaad madama ay goor hore kala weecdeen Diego Costa.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here