Maamul Daris La Ah Somaliland Oo Amankiisu Faraha Ka Baxay + Markab Dagaal Oo Madfac Lagu Qarxiyey Iyo Labada Wadan Ee Adunka Ugu Quwada Wayn Oo Somalida Ku Dhex Dagalamaya

0
1153

Iyadoo warar soo baxayey ay sheegayeen in qarax laga maqlay markab taagnaa meel ku dhow xeebta degmada Caluula ee gobolka Bari ayaa Puntland waxa ay faah faahin ka bixisay jiritaanka warkaasi iyo ilaa hada xogta laga hayo.
Maxamed Axmed Caynab oo ah Guddoomiyaha gobolka ay ka tirsan tahay Caluula ee Puntland ayaa sheegay in dadka deegaanku ay kusoo war geliyeen in markab kuwa dagaalka ah oo taagnaa xeebta Caluula uu markab kale oo dagaal gantaal ku dhuftay ayaga oo taasi ka duulayana ay tageen goobta.
“waxaan tagnay goobta naloogu sheegay in markabka uu ku qarxay, dadku qaar waxeey kuu sheegayaan in markabka uu markab kale gantaal ku dhuftay oo halkaa uu ku quusay balse anagu goobta markii aan gaarnay maanta haba yaraatee kuma aynaan arag wax raad ah oo muujinaya in goobta markab lagu gubay iyo qasaaro kale toona”ayuu yidhi Maxamed Axmed Caynab.
“xeebta badda cas ma ahan sida xeebta badweynta India oo hadii uu markab ku quuso horey laga arkayo oo waa mool aad u dheer,markab quusayna sida alwaax horey lagama arkayo oo dusha sooma fuulayo wuu degayaa oo wuu quusayaa waxaan u baahannahay inaan si qoto dheer u baarno oo Punland ayaan ka codsanay wasaaradaheeda iney berrito soo diraan quburro quusta si hoos loo galo oo gunta loo ogaado, inta ka horeysana baaritaankaas la xaqiijin doono”ayuu hadalkiisa sii raaciyey.
Ugu dambeyntii waxa uu rajo ka muujiyey Guddoomiye Maxamed Axmed Caynab in berrito si dhab ah loo xaqiijiyo jiritaanka warkaasi balse hada aanay jirin xitaa maraakiibtii faraha badneyd ee dagaalka oo xeebaha Caluula joogi jiray in midkoodna aanay joogin.
Arintani waxa ay saamayn ku yeeanaysaa amaanka Geeska iyo tan Somalida waxaana laga cabsi qabaa in dalalka maraakiibtoodu madfaca isku rideen in ay dagaalka intaa ka sii balaadhiyaan saamayna uu ku yeesho Somaliland, Puntland iyo Somalida geeska.
Xogo Kulannews helayso waxa ay sheegayaan in labada Markab ii waxyeelada is gaadhsiiyeen ay kala Leyihin Maraykan iyo Ruush inkasta oo la qarinayo arinta isla markaana aan la doonayn in la ogaado markabka Quusay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here