Masuul Ka Tirsan Xisbiga Mucaaradka Ah Ee Waddani Oo Galabta Ku Sugan Magaalada Muqdisho Iyo Kulan Uu Farmaajo La Leeyahay

0
2167

Masuul Ka Tirsan Xisbiga Mucaaradka Ah Ee Waddani Oo Galabta Ku Sugan Magaalada Muqdisho Iyo Kulan Uu Farmaajo La Leeyahay

Magaalada muqdisho xogaha aanu ka helaynaa waxa ay sheegayaan in uu galabta ku sugan yahay Ibraahim Mahdi Buubaa oo ah rug cadaa siyaasadeed oo ka tirsan xisbiga mucaaradka ah ee Waddani.

Ibraahim waxa la sheegay in uu maanta duhurkii ka soo degay madaarka Muqdisho isaga oo ka soo kicitimay magaalad Adiss Ababa waxaana kulan aan nasasho lahayn uu la leeyahay madaxweynaha somaliya Farmaajo

Arintu waxa ay ka danbaysay ka dib markii Buubaa iyo Khayre ku kulmeen Adiss Ababa iyaga oo falanqaynaya duulimaadyo siyaasadeed oo Somaliland ka dhan ah waxaana kulanka labaad maanta oo Jimce ah loo balamay magaalada Muqdisho

Mudane Buubaa waxa la filayaa in uu isla beri dib ugu laabto Adiss Ababa oo uu Nayroobi u sii daafi doono isla markaana uu ku soo noqon doono Magaalada Hargaysa

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here