Messi Oo Si Hordhac Ah U Ogolaaday Heshiis Uu U Saxeexayo Koox Uu Mudo U Ciyaarayey

0
323

Lionel Messi ayaa ogolaaday heshiis hordhac ah uu la galay Barcelona isagoo ku sii negaanaya Camp Nou ilaa iyo 2021 ama 2022.

 

Xiddiga reer Argentina ayaa kaliya hal sanno ay kaga harsan tahay qandaraaskiisa laakiin waxa uu doonayaa inuu ka hoos ciyaaro tababaraha cusub Ernesto Valverde ka dib markii uu baxay Luis Enrique.

Wargeyska Isbaanishka ee Marca ayaa sheegaya in mushaharka 29 jirkaan inuu isbedbedeli doono sannadba sannadka ku xiga.

 

Iyadoo heshiiska lagu dhow yahay in la gaaro, qareenada ayaa qoraya qandaraaska isbuucyada soo socda taasoo niyad-dhis u noqoneysa Barcelona ka dib sannad liita oo soo maray iyagoo Real Madrid u waayay koobka horyaalka La Liga iyo Champions League.

Leo Messi ayaa dhaliyay 54 gool tartamada oo dhan 52 kulan uu u saftay Barcelona isagoo cadeeyay inuu weli ku jiro qaab ciyaareedkiisa fiican.

Messi ayaa haatan ku maqan xulka qarankii Argantina oo Jimcaha la ciyaaraya Brazil iyo isbuuca danbe oo ay la ciyaarayaan Singapore iyadoo ay tahay kulamadii ugu horeysay ee tababare Jorge Sampaoli.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here