NAXDIN:- Maydadka Laba Gabdho Walaalo Ah Oo Laga Helay Goobtii Xalay Qaraxu Ka Dhacay + Askartii Aragtay Oo Kala Yaacday Iyo Sida Ay Noqdeen

0
792

NAXDIN:- Maydadka Laba Gabdho Walaalo Ah Oo Laga Helay Goobtii Xalay Qaraxu Ka Dhacay + Askartii Aragtay Oo Kala Yaacday Iyo Sida Ay Noqdeen

Dhismaha Maqaayada Pizza House ayaa goordhaw laga soo saaray meydad badan oo qaarkood lagu dhax toogtay dhismaha, waxaana dadka halkaasi lagu dilay oo meydadkooda laga soo saaray kamid ahaa lix gabdhood oo dhalinyaro ah.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Gabdhaha Meydadkooda laga soo saaray Pizza House ay ku jiraan Sedex gabdhood oo walaalo ahaa oo ku sugnaa Maqayaada Pizza House, waxaa sidoo kale iyada dhaawac ah la helay gabar afaraad oo la dhalatay gabdhahaasi geeriyooday.

Dhismaha maqaayada Pizza House waxaa dhax yaala dhiig badan oo dadkii halkaasi lagu laayay ah, waxaana dadka gudaha Hotelka lagu dilay sidoo kale ku jira dhalinyaro badan iyo nin la sheegay in uu ahaa Siiriyaan Maqaayada ka shaqeenayay.

Kooxda Weerarka ku gashay dhismaha Pizza House ayaa lagu soo waramayaa in bartimaameedkoodu ahaa Hotelka Posh oo kasoo horjeeda Maqaayada Pizza House ay sheegeen kooxda Al Shabaab in ay aheed goob lagu tunto balse ku qaldameen maqaayada kale ee Pizza oo kasoo horjeeda Posh.

Weerarkan xoogan ee xalay Al Shabaab ku qaadeen dhismooyinka Hotelka Posh iyo Maqaayada Pizza House waxaa ku dhintay dad ka badan 25-qof oo u badnaa dhalinyaro waxaa sidoo kale dadka dhintay ku jira ciidamo katirsan laamaha amaanka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here