Qalliinka Wadnaha Oo La Helay Wakhtiga Ku Haboon Ee La’saman Karo+Halkan Ka Daawo(LAYAAB)

0
179

 

qalliin

Qalliinka wadnaha ayaa u muuqda in uu wanaagsan yahay in galinka dambe la sameeyo sababtuna ay tahay saacadda jirka ama qaabka uu jirku u shaqeeyo, sida ay saynisyahannadu sheegeen.

Saacadda jirka ayaa ah sababta aan habeenkii u seexanno, laakiin sidoo kale waxay kaalin wayn ku leedahay qaabka uu jirkeennu u shaqeeyo.

Cilmibaaris lagu daabacay Lancet ayaa tilmaamaysa in wadnuhu uu awood leeyahay oo uu qalliinka uga adkaysi badan yahay galinka dambe marka loo eego galinka hore.

Waxayna sheegeen in aysan saamayn keenin dhakhaatiirta daalan ee subixii wax qala.

Dhakhaatiirta ayaa u baahda in ay wadnaha istaajitaan si ay qalliinka u sameeyaan.

Dhakhaatiirta iyo cilmibaareyaashu waxy fiiriyeen khalkhalka wadnaha ku dhaca sida wadne xannuunka, wadne istaagga ama geerida timaadda qalliinka kadib. Waxayna ogaadeen:.

Barre sare Bart Staels oo ka tirsan xarrunta cilmibaarista ee Institut Pasteur de Lille oo qayb ka ahaa baaritaankan ayaa yidhi “in aysan doonaynin in ay dadka ka baqdin galiyaan qalliinnada nolosha lagu badbaadinayo ee galinka hore:.

Wuxuuna intaas ku daray in aysan macquul ahayn in isbitaalladu ay qalliinnada sameeyaan galinka dambe oo kali ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here