Qarax Laga Cabsi Qabo Inuu Dhaco+Cidamada Oo Heegan Culus La’galiyay+Warar Sir Ah Oo Soo Baxay Ayaa Sheegaya?

0
171

Related image

Ciidanka Militariga iyo kuwa booliska oo is garab sanay , ayaa saakay dhaqdhaqaaq ciidan oo awood badan ka sameeyay  Degmooyinka Balcad & Afgooye ee Gobolada Shabeellaha Dhexe iyo Shabeellaha Hoose.

Ciidanka, ayaa waxaa la sheegay in ay gaareen Deegaanka Daniga oo qiyaastii 11km u jira Degmada Balcad, waxaana dhawaan ka dhacay laba qarax oo midi ay ku dhinteen lix ruux oo gaari rakaab la socday, halka midka kalena ay ku geeriyoodeen afar nin, oo sida la sheegay qaraxaasi wadada ku aasaayay.

Wararka, ayaa sheegaya in Ciidamadan isku dhafani ay lug ku marayan inta u dhaxeyso Balcad iyo Afgooye, iyagoo u kuurgelaya xaaladda guud ee wadadaasi.

Wararka, ayaa waxay intaa ku darayan in ay suurtagal tahay in Ciidamadu gaaraan deegaan hoos-tagga Degmada Balcad, oo toddobaadyo ka hor ay saldhig ka samaysteen maleeshiyada Shabaabka.

Ciidanka Xoogga Dalka, ayaa maalmihii la soo dhaafay diyaargarow ciidan ka waday Gobolka Shabellaha Hoose.

Madaxda Dowladda Somaliya, ayaa dhawaan sheegay in la qaadi doono guluf ballaaran oo ka dhan ah kooxaha nabadiidka, iyadoo laga jawaabayo qaraxii ay dadka badani ku dhinteen ee ka dhacay Isgoyska 14-ka October (Ex Zoobe) ee Magaalada Muqdisho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here