Reer Somaliland Oo Cadeeyey Xisbiga Ay Dooranayaan Iyo Madaxweynaha Siilaanyo Lagu Bedelayo + Burco Oo Murashaxyada Kala Saartay + Kuma Ayaa La Doortay?

0
1409

Reer Somaliland Oo Cadeeyey Xisbiga Ay Dooranayaan Iyo Madaxweynaha Siilaanyo Lagu Bedelayo + Burco Oo Murashaxyada Kala Saartay + Kuma Ayaa La Doortay?

Si kadis ah waxa loogu arkay goobaha laga shaaheeyo Gudoomiyaha Kulmiye iyo siyaasiyiin la socotay oo goobta iyaguna ka shaahaynayey shacabkii si wayn ayey ugu soo ururee dariiqaasina wuu xidhmay waxaana si niyad ah oo aan buuq iyo qaylo midna ku jirin u dhagaysteen hadalada Murashaxa Kulmiye Muuse Biixi

Shacabka ma ahayn kuwo la sii abaabulay oo madaxdani waxa ay u socdeen kaliya in ay shaah ka soo cabaan Makhaayada balse jawigii ayaa mar kale is bedelay waxaana si taasi la mid ah reer burco aanay dheg jalaq u siin wefti balaadhan oo Wadani ka socday kuwaasi oo shacabka sii abaabulay lacagna u qaybiyey ka hor intaan weftigu burco gaadhin balse lama kulmin taageero sidaa u balaadhan marka laga reebo beesha Ciro oo taageero qabiil wadooyinka la soo istaagay

Arintani shacabku sida dadban u sameeyey ayaa muujisay xisbiga ay dooranayaan oo ay Kulmiye u cugteen halka ay Muuse Biixi ka dhigeen Madaxweynaha Siilaanyo bedelaya hadaan Murashaxa Ucid baalasha la kala bixin oo khariirada siyaasadda bedelin

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here