Sheekha Ugu Caansan Somaliland Oo Maydkiisa Xabaasha Lagala Baxayey + Gaalo Maraykanka Ka Hagayey Qalabka Xabaasha Lagu Qodayey Iyo Ciidanka Oo Qabtay + Xaalad Culus Oo Gabiley Ka jirta

0
2247

Sheekha Ugu Caansan Somaliland Oo Maydkiisa Xabaasha Lagala Baxayey + Gaalo Maraykanka Ka Hagayey Qalabka Xabaasha Lagu Qodayey Iyo Ciidanka Oo Qabtay + Xaalad Culus Oo Gabiley Ka jirta

Koox iskugu jirtay Qurbo-joog iyo ganacsato reer Hargaysa ah ayaa xabaasha kala baxayey sheikh ka mid ah sheikhyada ugu caansan Somaliland oo sanado badan ka hor geeryooday kuna aasay deegaanka Arabsiyo

Dadka deegaanka ayaa arkay xabaasha sheekha oo nimankani qodayaan iyaga oo wata Gaadiid cusub oo qaali ah oo ah nooca loo yaqaan V8 oo uu ku xidhan yahay adeega isgaadhsiinta oo dalalka reer galbeedka laga hagayey

Ciidanka Booliska ayaa qabtay ragaasi doonayey in ay maydka sheekha la baxaan waxaana ilaalinayey laba askari oo markii danbe ciidanka ka baxsaday

Shekh xabaasha lagala baxayey ayaa lagu magacaabi jiray Suufi nuuriye oo ahaa culimadii hore ee Somaliland waxaana raga kiiskan ku eedaysan maanta loo gudbinayaa xarunta danbi baadhista Somaliland

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here