“Siilaanyo Iyo Kulmiye Waa Ka Dare…” Murrashax Cirro Oo Iminka Beerta Xoriyadda Ka Af-lagaadeeyey Madaxweyne Siilaanyo Iyo Laba Beelood + Xaasaasi

0
140

“Siilaanyo Iyo Kulmiye Waa Ka Dare…” Murrashax Cirro Oo Iminka Beerta Xoriyadda Ka Af-lagaadeeyey Madaxweyne Siilaanyo Iyo Laba Beelood + Xaasaasi

 

Murrashaxa Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani Cabdiraxman Cirro ayaa qudbad uu ku af lagaadayno beelaha uu ugu yeeshay Jeegaanta oo uu ka wado Bariga Burco iyo Gabiley waxa uu ka jeediyey Beerta Xoriyada Hargeysa.

Cabdiraxman Cirro waxa uu Madaxweyne Siilaanyo u bixiyey magaca Ka Darre oo uu sheegay wadanka inaanu waxba ka qaban balse uu uga daray waxaana uu yidhi. “Walaalayaal Siilaanyo iyo Kulmiye fursad ayeynu siinay ay dalka dhibaatada haysata wax kaga bedelaan miyuu ka daray mise waxbuu qabtay. Siilaanyo iyo Kulmiye waa ka dare ee Bedeluu..” Ayuu ku yidhi Murrashax Cirro qaybo ka mid ah qudbadii uu ka jeediyey fagaaraha Beerta Xoriyadda Hargeysa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here