Somaliland Oo Ka Noqotay Aqoonsi Shalay Ay Ka Heshay Somaliya + Dagaalo Laga Cabsi Qabo In Xarumaha Dawladda Uu Ka Dhaco + Waa Maxay Aqoonsiga Ay Somaliland Heshay?

0
1071

 

Dawladda Somaliya ayaa shalay warqad hanbalyo ah u soo dirtay somaliland iyada oo raacaysa hanaanka dawlad ugu hanbalyeyso dawlad kale oo la mid ah iyada oo laga warqabay in Somaliya inta badan sheegan jirtay in Somaliland ay ka mid tahay maamulkeeda.

Balse Somaliland ayaa ka noqotay talaabadaasi aqoonsiga ah ee lagu majeertay dhinaca Dimoquraadiyada iyo codka haldheeriga ah ee lagu kala baxay iyada oo sababtii Somaliya ay Somaliland warqada ugu soo dirtay ay ahayd doorashadii shalay ka dhacday wakiilada ee lagu doortay Gudoomiyaha.

Isla xalay waxa buuq iyo khilaaf culus oo heer maxkamadeed gaadhay uu ka dhex bilaamay Mudanayaasha wakiilada ka dib markii uu xalay saqdii dhexe hadlay murashaxii laga badiyey isla markaana uu sheegay in aanu aqbalayn natiijadii uu hore u hanbalyeeyey.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here