Somaliya Oo Ciidankii Ugu Awooda Badnaa Ku Soo Daabulaysa Hareeraha Somaliland + Farmaajo Oo Qorshe Dagaal Wata Iyo Xirsi Oo Sucuudiga Kula Kulmay Siyaasi Xamar Laga Soo Diray

0
1979

Somaliya Oo Ciidankii Ugu Awooda Badnaa Ku Soo Daabulaysa Hareeraha Somaliland + Farmaajo Oo Qorshe Dagaal Wata Iyo Xirsi Oo Sucuudiga Kula Kulmay Siyaasi Xamar Laga Soo Diray

Dawlada cusub ee dhiiga Siyaad Barre ku shaqaynaysa e Farmaajo madaxda ka yahay waxa ay dajisay qorshe ka duwan kuwii ay ku shaqaynayeen Madaxdii hore ee Somaliya kaasi oo ah in dagaal iyo cudur military lagu qabsado Somaliland waxaana dalalka aduunka ugu ciidanka wayn loo diray ciidan Somaliya laga qoray kuwaasi oo ku soo qaadanaya tababaro kala duwan si ay dagaalka la qorsheeyey qayb uga noqdeen

Ciidan Militery ayuu hore u sheegay Gudoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee Ucid Eng Faysal Cali Waraabe in Farmaajo ku hareereeyey Somaliland isla markaana la soo dajiyey xuduudo u dhow Somaliland kuwaasi oo la doonayo in ay dagaal qorshaysan halmar ku qaadaan dhulka Somaliland

Arimaha siyaasadda noocaasi ah oo jirta hadana Sucuudiga waxa kulan siyaasadeed ku dhex maray Xirsi Cali Xaji Xasan oo hogaamiye ka ah xisbiga mucaaradka ah ee Waddani iyo Faarax Cabdiqaadir oo dhanka Somaliya ka socda isla markaana ay soo direen Farmaajo iyo xukuumadiisu kuwaasi oo ka wada hadlaya arimo siyaasadeed oo qorshahan la xidhiidha

Lama sheegin arimaha rasmiga ah ee labada dhinac ka wada hadleen balse Xisbiga Waddani ayaa somaliya kala siman doonista midnimo somaliyed oo mar kale dhex marta Somaliland iyo Somaliya

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here