Wakiilka Weeraryahanka Manchester United Anthony Martial Oo Ka Hadlay Mustaqbalka Xidigaan Ee Garoonka Old Trafford.

0
199

Wakiilka weeraryahanka Manchester United Anthony Martial ayaa shaaca ka qaaday ineysan jirin sabab uu xidiga reer France kaga tago garoonka Old Trafford xilli shaki weyn la galinayo inuu ka mid noqon doono qorshaha tababare Jose Mourinho.

Anthony Martial ayaa kaliya xilli ciyaareedkii dhamaaday dhamaan tartamada oo dhan dhaliyay 8-gool sidoo kalana wuxuu la kulmay dhaleeceyn toos ah oo kaga timid macalin Jose Mourinho kaas oo aan la dhicin hanaankiisa.

Si kastaba Philippe Lamboley oo ah wakiilka xidigaan ayaa u waramay warbaahinta faransiiska laga leeyahay gaar ahaan Journal du Dimanche.

“Martial heshiis laba sanadood ah ayaa u haray, mana jirto sabab uu maanta kaga tago Manchester United” ayuu yiri.

“Hadii Ed Woodward uu ii sheego iney doonayaan inuu baxo waa arin kale, balse maahan wixii uu ii sheegay kulankii ugu dambeeyay oo aan yeelano”

Dhanka kale Jose Mourinho ayaa la filayaa inuu suuqgal sameeyo isagoo haatan ku raad jooga xidigo badan oo dhanka weerarka ah waxaana ka mid ah Ivan Perisic & Alvaro Morata kuwaas oo sheekada kusii xumeyn kara Martial.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here