War Deg Deg Ah:- Wasiir Xukuumadda Siilaanyo Ka Tirsan Oo La Hadal Hayo Is-casilaada + Goorta Uu Iscasilayo Iyo Magaciisa

0
169

 

War Deg Deg Ah:- Wasiir Xukuumadda Siilaanyo Ka Tirsan Oo La Hadal Hayo Is-casilaada + Goorta Uu Iscasilayo Iyo Magaciisa

 

Wasiirka Wasaaradda qorshaynta qaranka Somaliland Maxamed Ibraahim Qabyo-tire inkasta oo uu yahay tiir ka tirsan xisbiga Kulmiye hadana wararkii u danbeeyey ee suuqa siyaasadu waxa ay aad u hadal hayaan Is-casilaadiisa iyo inuu ku biirayo xisbiyada mucaaradka mid ka mid ah.

 

Ma jiro war rasmi ah oo arinta ka soo baxay hadana ila xogogaal ahi waxa ay sheegayeen in Qabyo-tire iska casilayo xukumada mucaaradkana u ban baxayo waxaana xisbiga Waddani uu wadaa diyaarinta xaflad uu ku soo dhawaynayo siyaasiyiin ka soo jeeda Beesha Arab oo uu ka mid yahay Xildhibaan Nac Nac.

 

Isku day aanu la samaynay Wasiirka Qorshaynta inaan arintan wax ka waydiino wali nooma suurta galin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here