War Deg Deg Ah:Madaxwayne Farmaajo Oo Hanjabaad Culus U Jeediyay Golahiisa Wasiirada+Siyaasiyiin Uu Si Gaara U Beegsaday(Halka Ka Akhriso)

0
193

Magaalada Muqdisho ayaa maarkii labaad aragtay qarax kale oo dad badan ay ku dhinteen laba isbuuc gudahood. Qaraxaasi oo dhacay Sabtidii ayaa waxa ku dhimatay ugu yaraan 27 qof.

Qaraxaas ka dib Madaxwaynaha ayaa iskugu yeedhay golaha wasiirada isga oo ku amaray inay shaqada dibada ka dhigaan taliyayaasha ciidamada nabad sugidda iyo booliska.

Madaxweynaha Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo ayaa Golaha wasiirada wuxuu u sheegay ina wasiirkasta lagula xisaabtami doono waxqabadkiisa si gaar ah wax uu madaxwaynuhu farta ugu goday wasaarada arimaha gudaha iyada oo qaraxyo dad badni ku dhimanayaan ay soo kordhayaan hadaba  aynu eegnu faa’iidada ku jirta shaqo ka caydhinta saraakisha amniga qaabil sanad.

 

“Faa’idada shaqa ka eryidda”

Taliyihii booliiska Soomaaliya Cabdixakin Daahir Saacid iyo agasimihii hay’ada nabad sugidda qaranka Cabdallahi Maxamed Sanbalooshe ayaa labadaba xilka laga qaaday.

Tallaabadaas ayaa lagu tilmaamay mid looga jawaabayay qarixii ugu dambeeyay ee muqdisho ka dhacay.

Cabdiweli Garaad oo ah dadka sida dhaw ula socda siyaasada ayaa ka faallooda arrimaha amniga isga oo yidhina “Shaqsiyaad la ceyriyo ay ka qoto dheeryihiin arrimaha amnidarada Soomaaliya”.

“Waxaa horey shaqada looga eryay taliyihii nabad sugidda iyo kii booliska, haddana kuwii lagu badalay baa la eryay”, ayuu yiri Cabdiweli Garaad.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here