War Farxad Leh:- Warbaahinta Dawlada Masar Oo Si Rasmi Ah U Aqoon Saday Somaliland Iyo Xamar Oo Xadhkaha Loo Jaray

0
2130

Shalay ayay ahayd markii Wasiirka Arrimaha dibada Somaliland Dr. Sacad Cali Shire uu sheegay inay Somaliland xidhiidhkii u jartay dalka Qadar isla markaana ay bar bar taagantahay dalalka Khaliijka.
Haddaba warbaahinta Carabta ayaa siyaabo kala duwan u falan qeeyay go’aanka Somaliland qaadatay.

Wargayska EGYPT INDEPEDENT oo kamida wagaysyada ugu waawayn dalalka carabta ayaa warxbixin ka qorey arrintaasi.
Wargayska ayaa ku bilaabay Jamhuuriyadda Somaliland waxay qaadatay go’aan lamida kan dalalka khaliijku ka qaateen dalka Qadar.

Jamhuuriyadda Somaliland waxay dhacdaa Waqooyiga dhulka Soomaalida waana meel si kasta u duwan dalka ay go’een ee Soomaaliya.

annadkii 1991 ayay madaxbanaanidoodii kala soo noqdeen Soomaaliya oo ay ku darsadeen 26 juun 1960 xilligaasi oo ay xornimadoodii ka qaateen boqortooyada Ingiriiska.

Go’aanka ay qaadatay Somaliland waa mid ka turjumaysa in aanay ka tirsanayn Soomaaliya, waxaanay muujineysaa madaxbaaninooda.

Dadka falanqeeya Siyaasadda ayaa aaminsan in Somaliland mawqifkeeda xilligan uu keeni karo isku soo dhawaansho dhexmara iyada iyo dalalka Carabta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here