Wuxuu Ku Afuray Cunto Sanad Ka Hor Ay U Samaysay Xaaskiisa Oo Geeryootay

0
329

Wuxuu Ku Afuray Cunto Sanad Ka Hor Ay U Samaysay Xaaskiisa Oo Geeryootay

 

Waa dhacdo aad u layaab badan in qof uu cuno raashin la kariyay sanad ka hor, laakiin Jaceylka uu u qabay xaaskiisa ayaa waxa uu ku  ballan qaaday kadib markii ay geeriyootay inuu raashinkaasi ku afuri doona maalinta ugu horraysa bisha Ramadaan,

waxaanu ku afuray maalintii ugu horreysay bishan barakaysan, kaasi oo ay karisay xaaskiisa oo ku geeriyootay shil aad u naxdin  badnaa oo dhacay 5tii bishii September ee sanadkii hore, ninkan oo magaciisa la yihaahdo Ahmed Khaliifa kuna nool magaalada Najac Xamaadi ayaa waxa uu sheegay in uu aad uga murrugoooday geeridii naxdinta lahayd ee ku timid xaaskiisii uu aadka u jeclaa oo la odhan jiray Iimaan Cabdinaasir, waxa aanu sheegay inuu  ballan qaaday markii ay xaaskiisu geeriyootay in uu cuni doono cunto ay gacanteeda ugu karisay ka hor intii aanay geeriyoon maalinta ugu horraysa bisha ramadaan waana arrinta uu kaga dhabeeyay inuu raashinkaasi uu cuno isagoo aan wax is bedal ah lahayn

Waa arin muujinaya jacaylka dhabta ah ee Lamaanahan qadarku kala kaxeeyey ka dhaxeeyey wuxuuna Axmed tusaale u yahay inta uu dhabta ka yahay jacaylka iyo wanaaga uu u hayo qofka nolosha la wadaagaya

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here