XISBIGA MUCAARADKA AH EE WADDANI OO LA KULMAYA SHIRQOOL SIYAASADEED IYO GARAB HA KAD GALIYAY HABSAMI U SOCODKII MAAMUL EE XISBIGAASI

0
390

 

 

KULANNEW >SXISBIGA MUCAARADKA A H EE WADDANI OO LA KULMAYA SHIRQOOL SIYAASADEED IYO GARAB HA KAD GALIYAY HABSAMI U SOCODKII MAAMUL EE XISBIGAASI

Xisbiga Waddani Oo ah Xisbiga Ugu Da’da Yar Xisbiyada ku jira Tartanka Doorashada Madaxwaynenimo ee dalka ololeheedu ka socdo waxa uu  ahaa xisbi kasbaday bulsho badan oo qiiro qiiro galiyay xisbiyadii guunka ahaa ay saaxada siyaasada isugu yimaadeen waayadii hore  ee aanay soo dhawaan doorashadu.

Balse intii ay kusoo biireen raxanta siyaasinta ah ee kazoo cadhooday doorshadii golaha dhexe ee xisbiga kulmiye waxa hoos u dhacday dardartii iyo awoodii kasbashada shacabka ee xisbigaasi ku soconayay Waxaana dumay habmaamulkii xisbigaasi iyadoo ay ka bilaabmeen hirdano siyaasadeed oo xisbigaasi ka curtay

Waxa la ogayahay in xisbiga waddani ay ka dhaceen isbedelo badan taasi oo xisbiga waddani ku lumiyay bulsho badan taageerayaal u ahaa xisbigaasi iyo siyaasiyiin mug iyo miisaanba ku dhexlahaa inay banaanka ka istaagaan oo ilaa wakhtigan la ogyahay inay ka socdaan qul qulka siyaasiyiinta ka digo roganaya xisbigaasi .

Arintan ayaa lugu sababaynayaa inay ka dhalatay koox isbahaysigii xisbigaasi kusoo biiray ka mid ah oo awoodii maamul ee xisbigaasi la wareegtay .

Xiligan oo uu bilowday ololihii doorashada ayaa waxaa aan xisbiga waddani ka muuqan u diyaar garowga kaambaynka doorashada iyadoo aan wali la magacaabin gudiyadii kaambaynka gobolada iyo dagmooyinka uga shaqayn lahaa.

Arintani ayaa lugu macneeyay shirqool siyaasadeed kii ugu xumaa ee uu   xisbiga waddani la kulmayo   tan iyo markii uu kusoo biiray saaxada siyaasada taasi oo ay dhigeen garabka awooda maroorsaday ee ka midka ah isbahaysigii laga soo caydhiyay xisbiga kulmiye.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here